Faahfaahin safarka Madaxweyne Deni Ee Muqdisho

Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay gaari doonaan Muqdisho maalinka Arbacada ah hadii rabi idmo.

Madaxweynuhu waxuu degi doonaa meel ka baxsan Madaxtooyada Villa Somaliya.

Amaanka xarunta waxaa lasii wareegay Ciidamada amaanka Puntland oo hadaba ku sugan Muqdisho.

Gaadiidka Ciidanka amaanka Puntland ay isticmaalayaan waxay ka kala imaan doonaan dhawr jiho oo ay ka mid tahay Villa Somaliya.

Sida xoguhu xaqiijinayaan Gaadiidka khaaska ah ee uu isticmaali doono Madaxweyne Deni waxaa laga qaadi doonaa Garowe waxayna ubadan tahay mid ka mid ah kuwa Madmadow in uu noqon doono.

Madaxtooyada Puntland si heegan sare leh,ayay ugu diyaar garowday tagida Muqdisho ee Madaxweynaha.

Jibril Qoobey.