Maxaa carada ka keenay Abuukar Baalle??

Waa iska cadahay waxa carada xooga badan ee uu kala dul dhacay Xaafiiska Qaramada midoobey ka keenay Abuukar Baalle waana in xaqiiqda indhaha laga saaray.

Warbixintii Abuukar Golaha siiyay ee uu ku difaacayay Villa Somaliya,ayaa noqotay mid aan saamayn yeelan oo aan hal qodob xataa looga hakan,taa badalkeeda warbixintii Swan Golaha siiyay ayay dhamaan xubnaha fadhiyay uriyaaqeen waxayna noqotay mid aan dhinacna raacsanayn oo soo gudbisay xaalka Somaliya xiligan ku sugan yahay.

Warbixintii Swan waxay wajigabax ku noqotay Abuukar Baalle iyo Villa Somaliya waxayna ka hor timid qorshahoodii xaqiiqda ka fogaa.

Golaha amaanka waxuu mudadii usii dheereeyay Swan iyo Xaafiiskii uu hogaaminayay ee Unsom,taasoo ka dhigan in aan waxba laga soo qaadin warbixintii iyo dacwadii danbe ee Abuukar Baalle.

Farmaajo iyo Abuukar Baalle arimo dhawr ah,ayaa isku xira oo ay isku meel ka taagan yihiin,kuwaasoo laga xusi karo…

B.Nacaybka Fadaraalka.
T.Nacaybka reer Puntland

Keating wakikii hore ee Qaramada midoobey oo Farmaajo waydiiyay sababta Fadaraalka uu u dhibsado,ayaa ugu jawaabay si qaawan oo ahayd in uusan ahayn wax Somalidu rabto ee kaliya Beesha Majeerteen dabada ka riixayso.

Abuukar Baalle oo Nin Wariye miisaan leh uu waydiiyay su’aashaas mid udhow,ayaa ugu jawaabay sidaas oo kale,waa nebcahay Fadaraalka iyo Majeerteen hadaan heli karana Neeftaan ka xiri lahaa!!

Isku soo wada duuboo carada Villa Somaliya ee Abuukar muujiyay wax saamayn ahna ma yeelan loomana joojin.

Swan mahan Wakiilada lagu deg-degi karo ee waa Diblomaasi sare oo Marayjan ah.

Jibril Qoobey.