Maxay ka wada-hadleen Cali Ciid & Madaxa AMISOM ? (Sawirro)

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee AMISOM Francisco Madera.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay Xiriirka AMISOM iyo Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo xoreyn lahaa deegaanadda Galmudug ee ay haystaan Ururka Al-Shabaab, loogana garabsiin lahaa Dowlad goboleedka Galmudug in ay gacanta ku dhigaan amaanka guud ee Galmudug.

Safiirka Midowga Africa ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madera, ayaa u ballan-qaaday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug inay ka taageerayaan sidii looga xoreyn lahaa Argagixisada degaanada Galmudug ee ay ku sugan yihiin.