Odayaasha Beelaha HAWIYE oo eedeeyn u jeediyay Madaxweynaha Somaliland (VIDEO)

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa garoonka Hargeysa ka celiyay Gudoomiyihii Guud ee beelaha Hawiye iyo Madaxdhaqameed la socda, kuwaas oo sida la sheegay u socday arrimo la xiriira mag iyo fardaaminta shaqsiyaad kasoo jeeda beeshaas oo Hargeysa ku xiran.

Qaar kamid ah Odayaasha beelaha Hawiye oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa eedeeyn u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, waxaana ay sheegeen inuu kula kacay dhaqan aysan ka fileyn.