Ra’iisul Wasaare Marwan “Lubnaan waxay ku noqon todobaadyo yar Soomaaliya oo kale”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Lubnaan Marwan Hamadeh ayaa Dalkisa uga Digay Gargaarka Shisheeyaha gaar ahaan Midowga Yurub oo uu sheegay inay Dano Guracan Ku Lamaan yihiin ,

Marwan Hamadeh oo la hadlayey Tv-ga TRT, ayaa tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya, isagoona sheegay in hadii dadka reer Lubnaan aysan horey u socon sharcigana ilaalin ay noqon doonto Lubnaan, Soomaaliya oo kale.

“Haddii aynaan horay u socon oo aanuu Sharcigu iyo garsoorku noqon qayb muhiim ah oo loogu shaqeeyo si sax ah , Lubnaan waxay noqon doontaa Somalia cusub todobaadyo yar gudohood” ayuu yiri Marwan Hamadeh.

Marwan Hamadeh, ayaa intaas ku daray “Gargaarka Shisheeyuhu Waa Sun Gumaysi Dahsoon Waxaynu Ku Guulaysan karnaa oo Keliya inaan Musuqa Cirib tirno iyo inaan ka Hortagno kuwa ina kala Qaybinaya ee Danaha Gaarka ah Leh”