VIDEO: Puntland oo qorsheyneysa in maalin kamid ah Asbuuca dadka degaanadeedu cunaan kalluunka

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ayaa Magaalada Garoowe kusoo gaba-gabeysay Tababar ku saabsan jarjarida, cunista iyo nadaafada Kalluunka oo ay ka faa’iidaysanayaan dad badan.

Tababarkaan oo Wasaaradda kalluumeysiga Puntland ay ka caawinaysay Hay’adda FairFishing ayaa looga gol lee yahay in bulshadu ka faa’iidaystaan kaluunka oo kamid ah Kheyraadka Badda Puntland oo ah Degaanka ugu xeebta dheer Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa inay Wasaaradu dadaal ugu jirto sidii bulshada Puntland loogu wacyi-galin lahaa isticmaalka Kaluunka, loogana faa’iidaysan lahaa Kheyraadka badeena ka buuxa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay samayn doonaan in suuqyada Puntland isbuuc walba hal maalin lagu qalo Kaluunka kaliya, si dadku u bartaan cunista kalluunka.