Al-Shabaab oo Muqdisho ka daabuleysa odayaashii soo xulay ergooyinka (VIDEO)

Taliyihii hore Sirdoonka qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Al-Shabaab ay odayaashii soo xulay ergadii dooratay xildhibaanada hadda jooga ee baarlamaanka ka daad-gureyneyso magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe oo si weyn uga soo horjeeda madaxda talada heysa kana tirsan xisbiga Nabdda iyo Horumarka ayaa ka walaacsan, sida uu hadalka u dhigay, doorka ay kooxaha argagixisada ku yeelan karaan codeynta soo aadan.

Sidoo kale, C/llaahi Sanbaloolshe ayaa si weyn uga soo horjeeda hanaanka deegaan doorasho, wuxuuna aad uga baqayaa in Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay xubno ku yeeshaan baarlamaanka soo socda.

Ugu dambeyntii Sanbaloolshe wuxuu aaminsan yahay hadii doorashada sida hadda loo wado ay u dhacdo aysan dowladda soo socota ka marnaan doonin Al-Shabaab dhan walba, hadey noqoto xagga siyaasadda, ammaanka iyo farsamo ahaan intaba.