Ciidammada Jubbaland oo xabsiga dhigay 20 Ruux (VIDEO)

Howlgal ay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka sameeyeen Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa waxaa la sheegay inay ku qab qabteen tiro dad ah oo la sheegay inay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada Calalaeey ee Magaalada Kismaayo, waxaana Booliska ay sheegeen in lagu qabtay maanka dooriha Xashiishka, khamri farabadan & dad ka Ganacsanayay.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in howlgalka uuu ka dambeeyey, kadib cabasho ay u soo gudbiyeen dadka ku nool Xaafada Calaleey ee Magaalada Kismaayo, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 20 Ruux.