DFS oo ka hadashay ciladii ku timid diyaarada Turkish Airlines

Diyaaraddan oo sidday 207 rakaab ah ayaa ku wajahnayd dhinaca dalka Turkiga waxaana ay la kulantay ciladda dhinaca oxygen-ka ah kaddib markii uu gabaabsi ku noqday xilli ay sii galaysay hawada dhinaca Itoobiya.

Sida ay sheegeen maamulka hay’adda duulista rayidka Soomaaliya in in diyaaraddu ay si nabad ah ku soo cago dhigatay iyada oo eegayaan injineerada Shirkadda duulimaadka si loo hagaajiyo cilladda.

“Diyaaradda ayaa waxa ay saacadu marka ay aheyd 1:15 ka duushay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana markii ay ku dhaweyd hawada dalka itoobiya ku timid cilad hase ahaatee markii dambe waxa ay si nabad ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cade iyadoo nabad qabta mana jirto halis hada.

Ugu dambeyn diyaaradda ayaa loo hagaajiyay Xiriirka duulimaadka kaddibna ka duushay Garoonka iyadoo kusii jeeda dalka turkiga oo ay hore ugu socotay.

Turkish airline oo bilowday duulimaadyo joogto oo ay ku timaado dalka sanadkii 2012-kii, Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu awoodda badan oo isticmaalay 1 bilyan oo doolar sanadkii 2011-kii taasi oo isagu jirta gaargaar iyo soo celinta kaabayaasha dalka ee burburay 30-sano kahor.