Madaxweynaha Koonfur Africa oo lagu eedeeyay Musuqmaasuq

Saraakiisha xisbiga talada haya ee Koofur Afrika ayaa sheegay in Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu hor imaan doono guddiiga anshaxa si uu uga jawaabo su`aalo ku saabsan lacag la sheegay in la geliyay ololaha hoggaanka xisbigaas.

Balse Jessie Duarte, oo ka tirsan xisbiga ANC ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee Mr Ramaphosa uu hor imaan doono guddiga.

Warbixin ay soo saartay waaxda ka hortagga musuqmaasuq ee Koofur Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in Mr Ramaphosa uu marin habaabiyay baarlamaanka beenna uu ka sheegay lacag uu helay sanadkii 2017, taas oo dhan $35,955(£26,900).

Mr Ramaphosa ayaa ku adkeysanaya in lacagtaasi ay ahayd deeq loogu talo galay ololihiisii hoggaaminta xisbiga ANC.

Madaxweyne ahaan, Mr Ramaphosa ayaa qalqal geliyay sumcaddiisa ku aaddan hagaajinta siyaasadda Koofur Afrika tan iyo intii uu beddelay Jacob Zuma.