Madaxweynaha Puntland oo dib u dhigay Safarkiisii Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dib uga dhacay socdaal la filayay inuu maanta ku tago magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida qorshuhu ahaa Madaxweyne Deni ayaa Isniinta maanta ah balse Wararka ayaa sheegaya inuu u baaqday kulamo adag oo ku saabsan hormarinta arrimaha degaanka, kulamana uu la lee yahay Wasiiro & Masuuliyiin degaanada qeybtood.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu maalinimada berrito ah gaari doono magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna ka baaqsaday socdaalkiisii maanta ee Muqdisho, uuna tagi doono maalinta berrito ah.