Madaxweyne Deni iyo CC Warsame oo ku kulmay Garoowe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno safarkiisa ku weheliyay.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Siyaasi CC Warsame ayaa looga hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xilliga kala guurka ah.