Mareykanka: 5.3 Bilyan baa nooga baxay amniga Soomaaliya, mana jirto wax laga qabtay

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dib u soo celinta Ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya ku bixisay lacag dhan $ 5.3 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay, hayeeshee aysan jirin guul weli laga gaaray.

Cherith Chalet oo ah ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka, ayaa hadalkaan ka hor jeedisay golaha amaanka, iyada oo shaacisay in natiijooyinkii kasoo baxay xaalada Amni ee Soomaaliya iyo lacagaha ay bixiyeen aysan aheyn kuwo isku dhigma.

” Mareykanka waxaa uu weli wadaa duqeymaha uu la beegsanayo saraakiisha Al-Shabaab,waxaase shaki ku jirin in tallaabo millateri kaliya looga guuleysan karin Al-Shabaab laguna soo celin karin Amniga iyo xasiloonida ayay tiri ” Cherith Chalet.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Mareykanka uu walaac ballaaran ka qabo lacagaha faraha badan ee Canshuur ahaan loo siiyo Al-Shabaab, iyada oo tusaale u soo qadatay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ku qaadeen hotel Elite,iyada oo sheegtay in dhaqaalo laga qaaday Ganacsatada Soomaaliyeed lagu soo abaabulay weerarkaas.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa uu ka taageeraa dhinacyo farabadan,sida amniga iyo dhaqaalaha sidoo kale Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa duqeymo dhinaca cirka ah la beegsada Saraakiisha Al-Shabaab, iyada oo la taageerayo Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.