Maxaa looga hadlayaa kulanka Golaha Shacabka BJFS ee maanta ?

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maaanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, kaddib muddo 2 Asbuuc ah oo uusan shaqeyn Goluhu, uuna kala maqnaa.

Fariin loo diray Xildhibaanada ayaa loogu sheegay inay soo xaadiraan kulanka Golaha Shacabka ee berrito, kaas oo Ajandihiisa lagu sheegay labo qodob, oo kala ah;

1: Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka Adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.

2: Akhrinta 2-aad ee sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Muddo labo todobaad ah Xildhibaannada Golaha Shacabka majirin wax kulan ah oo ay yeesheen, waxaana hakad ku jiray fadhiyada kal-fadhiga 7aad sababo aan weli la shaacin dartood.