Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh & Shariif Xasan ? (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa kulan kula qaatay Muqdisho Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Kulanka Xasan Sheekh iyo Shariif Xassan oo ka dhacay xarunta Xisbiga UPD ayaa ku aadanaa soo dhaweyn iyo is-xogwareysi ku aadan xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah.

Hassan Sheikh Mohamud, iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa ku wada jira Madasha Xisbiyadda Qaran, oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sharif Sheikh Ahmed, waxaana Shariif Xasan uu maalmo kahor yimid Muqdisho, imaanshihiisa ayaana xiiso gooni ah u yeelaya loolan siyaasadda dalka iyo doorashooyinka, maadama uu yahay Siyaasiga ugu saameynta badan degaanada Koonfur Galbeed, mudana kusoo jiray Siyaasadda dalka.