VIDEO: Qarax weyn oo ka dhacay Imaaraadka carabta, xilli ay ka degtay diyaarada Israel Airlines

Inta la xaqiijiyay 3 Ruux ayaa ku geeryooday, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay magaalada Abu Dubia Dalka Imaaraadka carabta.

Xafiiska warbaahinta ee dowladda Abu Dhabi ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen qaraxa caasimadda, oo wargeyska The National uu sheegay inuu ka dhacay maqaayadaha Hardees iyo KFC ee waddada Rashid bin Saeed.

Waddadan ayaa ah waddada weyn ee aada garoonka diyaaradaha, halkaasi oo ay yimaadeen saraakiil sare oo Mareykan iyo Yahuud ah, ayada oo ay tagtay diyaaraddii ugu horreysay ee kasoo baxda Israel eetimaada Imaaraadka.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay konteenar uu ku jiray gaaska loo adeegsado guryaha oo si qaldan loo maamulay xilli dib loo buuxinayey.