VIDEO: Aabe wiilkiisii ku dilay magaalada Jowhar

Ciidanka Booliska Saldhigga Magaalada Jowhar ayaa maanta  soo bandhigay Aabbe Habeen ka hor Wiilkiisa ku dilay gudaha Magaladaas, waxaana warbaahinta la hadlay Aabaha Wiilkiisa dilay isagoo ka war bixiyay qaabka uu dilka u hgaystay iyo waxa ku qabsay in uu dilo wiil uu isagu dhalay.

Maxamed Dhaayoow Aadan oo ah Aabbaha Willkiisa dilay ayaa sheegay in wiilkiisu uu ku noqday Caasi sidaa darteedna uu go’aansaday in uu dilo, waxaana intaas uu ku daray in dhawr jeer uu dhibaato u gaystay dadka daris ah, isagoo sheegay in dhaqan xumo iyo sidoo kale isticmaalka maandooriyaha uu maaro uga waayay sidaa darteena uu dilay kadibna uu maydiisa wabiga ku riday.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Dhaayoow, waxaana da’diisu ay ahayd 20 sano.