Xeer Ilaaliyaha Guud ee DFS oo digniin u diray Masuuliyiinta Dowladda (VIDEO)

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud, oo Saxaafadda kula hadlayay Muqdisho ayaa shaaciyey in baaritaan uu ku socdo Wasaarado, Safaarado, Hay’ado iyo Shirkado looga shakisan yahay Musuq-maasuq, islamarkaana digniin adag u diray Bankiyada ka howlgala dalka.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayey Masuuliyiintii Musuq-maasuqa loo xukumay, ayaa sheegay in aysan dalka mar dambe xilal ka qaban-doonin.