Xildhibaanada BJFS oo ansixiyey Sharci muhiim ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Ansixiyey Hindishe-sharciyeedka qareenada Soomaliyeed oo ay ogalaadeena 139 Mudane, waxaana diiday 2, iyadoona aysan jirin cid ka aamusay.

Dhanka kale, Mudanayasha ayaa Ka doodaya

1-Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Baaritaanka Iyo Sharciyadda Beeraha Soomaliyeed

2-Akhrinta 2-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaliyeed

3-Qeybinta Dib U Eegista Miisaaniyadda 2020-ka ee Golaha Shacabku Ansixiyey

Kulanka Ayaa Waxaa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka  fedreaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.