Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta tagaya Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Puntland, halkaas oo ay uga qeyb-galayaan Shirar ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka Dalka oo ay la yeelanayaan Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Safiirada Beesha caalamka.

Kulamada ayaa la sheegay inay ka dhici doonaan Xerada Xalane ee saldhiga u ah Safiirada Beesha caalamka, iyadoona aad loo adkeeyay amniga Labada Madaxweyne.