Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka oo kulmay (VIDEO)

Madaxweynahaa Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kula la qaatay Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Donald Yamamoto.

Kulankan oo Madaxweynaha uu ku wehelinayay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud ayaa diirada lagu saaray Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka uga mahad celiyay Tageerada ay Ciidamada Jubaland ka siiso dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.