Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgallo ka sameeyay magalooyin ay kamid tahay Qandala (Sawirro)

Ciidamada Amniga Dowladda Puntland (PSF) ayaa hawlgallo qaatay muddo 48-saac ah ku tagay magaalooyinka Qandala, Dhurbo, Murcanyo, Geesaley iyo Butiyaalo ee gobolka Bari, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta.

Hawlgalladan ayaa ahaa kuwo lagu xaqiijinayo amniga guud ee Puntland qaybna ka ah hawlgallada joogtada ah ee ciidamada amniga Puntland ka wadaan degaanada buuraleyda iyo xeebaha ah ee gobolada Bari iyo Sanaag, si loo soo afjaro haraadiga maleeshiyaadka Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya Buuraha Cal-Miskaat iyo Cal-Madow.

Intii hawlgalladani socdeen waxay saraakiisha ciidamada PSF kulamo xog wareysi ah oo amniga la xiriira la yeesheen dadka degaanadaas, iyaga oo dadka degaanku si weyn uga mahadceliyeen shaqada amniga la xiriirta ee ciidamada Amniga Puntland shacabkooda u hayaan.