Ciidanka Puntland oo la wareegaya goor-dhaw Amniga Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Amniga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde aad loo adkeeyay, iyadoona laga saaray gudaha Garoonka Ciidammada DFS, Sidoo kalena laga durkiyay Wadada ay ku Ordaan diyaaraduhu iyo illaa Qeybta VIP-da Ciidammada AMISOM, xilli la filayo inay maanta ka degaan Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Amniga Garoonka intiisa badan ay la wareegayaan Ciidammada Amniga Puntland oo qeybtood ay horey u gaareen Muqdisho maalmo kahor.

Sidoo kale, Waddooyinka Muqdisho ayaa saaka xiran, wararka ayaana sheegaya in loo xiray cabsi laga qabo banaan-baxyo lagu soo dhaweynayo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka dhaca waddooyinka xariiriya Madaxtooyada illaa Garoonka diyaaradaha.