DEG DEG: Deni & Axmed Madoobe oo kulan la leh Safiirka Mareykanka

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, oo goor-dhaweyd gaaray magaalada Muqdisho ayaa shir albaabada u xiran kula leh Qeybta VIP-da Garoonka Diyaaradaha Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa looga hadlayaa Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021, iyo mowqifka nooca doorasho ee ay wada wataan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Kulanka ayaa muujineya inuu damaanad qaade ka yahay Safiirka Mareykanka Wada-hadalada dhowaan dhex maraya Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo.