Guddoomiye Cumar Filish oo magacaabis sameeyay (Akhriso)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa u magacaabay Gudoomiyaha cusub degmada Shibis Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali).

Cali Soomaali ayaa ah nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan, islamarkaana ahaan jiray Wariye.

Cali Soomaali, Guddoomiyaha cusub ee Shibis.

Degmada Shibis ayaa muddo bilooyin ah aheyd Maamul la’aan kaddib markii bishii April ee sanadkan uu Guddoomiye Guuleed Cumar Filish xilkii ka qaaday gudoomiyihii hore ee degmada Shibis  Cabdiaxamaan Sayid Cali.