Khilaaf ka dhex taagan qoyska Reer boqor ee xukuma Sacuudi Carabiya.

Khilaaf adag ayaa ka dhex taagan qoyska Reer Boqor ee gacanta ku haya talada Dalka Sacuudi Carabiya, iyadoona xilalkii laga qaaday Saraakiil ka tirsan qoyska oo xubno ka ahaa dowladda Sucuudiga.

Maxamed Salmaan dhaxal sugaha Sacuudiga  ayaa shaqadda ka eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka barasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf.

Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hogaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen.

Shaqadda ka ceyrinta wiilka iyo aabihiisa ayaa sii xoojisay Khilaafka ka dhex taagan qoyska reer boqor ee tallada Sacuudiga haya.

Waxay saraakiishan wajahayaan baaritaan ku aadan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga.