Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo Tababar u furmay (VIDEO)

Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji saallax ayaa maanta tababar ufuray shaqaalle ka kala socda wasaaradda kalluumaysiga iyo wasaaradda maaliyada dowlada Puntland.

Tababarkaan ayaa ku saabsan sidii loo hormarin lahaa habka qabashada dakhliga guuud ee dowlada iyo bixinta ruqsadaha kallumaysiga, waxaana furitaanka tababarka goob joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaradda kallumaysiga Cabrisaaq Jaamac Aadan iyo masuuliyiin katirsan wasaaradda maaliyada.

Muddo saddex maalmood ah ayuu socon doona tababarka waxaana shaqaallaha lagu bari doona habka casriga ah ee ururinta dakhliga guud ee dowlada.