Ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay J/dhexe

Ciidammada Dowladda Kenya ee Qeybta ka ah AMISOM iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay Degmada Afmadow ee Gobalka Jubadda dhexe, kaddib markii Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar jid gal ah ku qaadeen Ciidanka Kenya.

Ciidammada Kenya ayaa xilliga uu weerarku dhacayay ku jiray Howlgallo lagu adkeynayo Amniga, oo u badnaa Miino, sida ay Warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal ku sugan Degmada Afmadow.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray Ciidammada Kenya iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab, mana jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Ciidanka Kenya, iyo Taliska howlgalka AMISOM oo ku saabsan dagaalkan.