DEG-DEG: Madaxweyne Axmed Madoobe & Fahad Yaasiin oo ku shirsan Muqdisho

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa shir uga socdaa hoyga uu Madaxweynaha Jubbaland ka degan yahay agagaarka Madaxtooyada.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Fahad Yaasiin oo la sheego inuu yahay Maskaxda ka dambeysa falalka guracan ee Madaxweyne Farmaajo, ayaa horay isugu khilaafay arrimihii doorashada Jubbaland.

Kulamo dhexmaray Madaxweyne Madoobe iyo Fahad, dhowr jeer ayaa la isku fahmi waayay, maadama DFS u rabtay in arrinta Jubbaland kula macaamisho si lamid ah Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taas uu ka biyo diiday Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Lama oga waxa looga hadlayo kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Fahad Yaasiin, wararka ayaana sheegaya in ay ka wada-hadlayaan arrimaha Gobalka Gedo iyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Jubbaland iyo DFS.

Kulanka ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Jubbaland uu ku xiray kulanka Madaxweyne Farmaajo inuu Ciidammada kala soo baxo Gobalka Gedo.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.