Madaxweyne Deni & Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS oo kulmay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Mr.Carte ayaa daaranaa is-xogwareysi, Labada Masuul ayaana intii kulankoodu socday isla soo qaaday xaalada dalka, gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka 2020/2021.