Madaxweyne QoorQoor oo u amba-baxay Jabuuti& Ujeedka safarkiisa.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Halmudug  Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay u ambabaxeen Dalka Jabuuti.

U jeeda safarka Madaxweyne Qoor Qoor Qoor iyo Xubnaha la socda ayaa lagu sheegay in ay halkaasi kula kulmi doonaan Madaxda Dalkaasi iyo Shirkado la filayo in ay qayb ka noqdoon dhismaha Dekada Magaalada Hobyo.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya Wasiiro ay ka mid yihiin Amniga iyo Arimaha Guddaha Galmudug, waana safarkii labaad oo uu QoorQoor uu dalka uga baxo tan iyo markii la doortay.

Dowladda Qatar ayaa horay u balan qaaday inay dhiseyso dekadda Magaalada Hobyo, kadib markii ay booqdeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Qatar, hayeeshee ilaa iyo hadda ayaan fulin balan qaadkaas.