Maxaa kasoo baxay Kulankii Madaxweynaha Puntland & Mucaaradka DFS ? (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Soo dhaweyn uu u sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh kaddib, waxaa uu kulan wadajir ah uu Madaxweyne Deni la yeeshay Masuuliyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo eee Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ee taagan, Iyadoona kulankan uu kusoo beegmayo xilli uu caawa Madaxtooyadda Villa Soomaaliya shir looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka uga furmayo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland.

This image has an empty alt attribute; its file name is Deni-Xasan-CC-Warsame-Xuubsireed.jpg