Maxkamada Nugaal oo go,aan ka gaartay kiiska Hodan Shanlayste (VIDEO)

Maxkamada Darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maantay markale dhageysatay garmaqalka eedaysanayaasha kiiska Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste) oo dil iyo kufsi loogu gaystay magaalada Garoowe sanadkii 2019.

Kiiskaan oo ay u xirnaayeen 7 eedaysane ayaa maxkamadu 6 kamid ah siidaysay kadib markii lagu waayey danbiga lagu eedeeyey markii ay maxkamada ka hor dhaarteen,halka mid kamid ahna dib loo ceeliyey si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo sida ay maxkamadu go,aamisay.

Bartamihii bishii April ee sanadkii 2019 ayaa marxuumada Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste) kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe kadib markii loogu dhacay guriga ay daganayd,waxaana loo soo xiray 7 oo lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen falkaasi.