Muxuu daaranaa kulankii xalay dhexmaray Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ayaa daba socday casho sharaf uu Madaxweyne Farmaajo ugu sameeyay Villa Soomaaliya Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, oo shalay gaaray Magaalada Muqdisho.