Muxuu yahay Ujeedka rasmiga ah ee Safarka QoorQoor ee Jabuuti ?

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa galabta gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne QoorQoor oo ay wehlinayaan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti.

QoorQoor ayaa lagu wadaa inuu kulanka la yeesho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, lamana sababta Madaxweyne Geelle ugu yeeray QoorQoor.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kala hadli doono QoorQoor inuu laalo hanka Beeshiisa ee ku aadan dhismaha Dekedda Hobyo, taas bedelkeedna ay si rasmi ah ugu darsadaan Saami Dekedda Degaanka Garacad ee Gobalka Mudug ee Puntland.

Dowladda Jabuuti iyo Ganacsato kasoo jeeda dalkeeda ayaa qorsheynaya inay saami balaaran ay ku darsadaan Dekedda Degaanka Garacad, uu lagu tirinayo Dekedaha ugu fursadaha wanaagsan Gobalka Geeska Africa, waxaana Jabuuti ay dhowaan tababar u soo xirtay shaqaalaha iyo Maamulka loo diyaariyay Dekeddan gaba-gabada mareysa.

Socdaalka Jabuuti uu maanta ku tagay Madaxweyne QoorQoor ayaa imaanaya xilli dhowaan uu dalkaas booqasho qaadatay 3 maalmood ku tagay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, oo safarado ku kala bixiyay Gobalada dalkaas.