Puntland oo Miino baaris ka sameynaysa Goldogob (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, oo ay wehlinayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Abdulahi Abdisalan iyo Agaasimaha Guud ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay Mas’uuliyiin ka socotay hay’adda NPA, oo Puntland ka caawisa howlgalada miino baarista ah.

Kulanka ayaa looga hadlay habsami u socod siinta shaqada Miino Saarka ee ay wada hayaan Wasaaradda Amniga iyo Hay’adda NPA looguna balaarin lahaa deeganada Puntland.

Kulankan ayaa si gaar ah diirada loogu saaray qorshaha Wasaaradda Amniga ee ku aadan miino baaris ay doonayso inay ka bilawdo Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug iyo deeganada ku xeeran ee ay saamaysay aafada miinada, isagoona kusoo dhamaaday is afgarad.