Villa Somalia oo ka hadashay kulan Farmaajo, Deni iyo Madoobe

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya Abdinur Mohamed Ahmed, ayaa sheegay in kulan u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, uu cawa furmi doono.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray Abdinur Mohamed Ahmed, ayuu ku sheegay in kulanka caawa looga hadli doono arrimaha doorashooyinka, isagoona intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu xalay casho sharaf u sameeyay Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland.