Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka u furmaya Farmaajo, Deni iyo Madoobe

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Shirka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka socota Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirkan oo looga hadlayo Xaalada kala guurka ah ee dalka gaar ahaan Doorashooyinka 2020/2021, ayaa la filayaa inuu ka furmo Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana haatan lagu gudajiraan diyaarinta Ajandaha Shirka.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in shirka lagu soo daro Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo sugan Muqdisho, si loo dheeli tiro habka wax qeybsiga Dalka, maadama uu yahay Shirkan kan rasmiga ah ee go’aanka looga gaarayo nooca Doorashooyinka dalka.