Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo qalab gaarsiisay Isbitaalada Sool (Sawirro)

Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland ayaa qalab ka kooban talaagada lagu kaydiyo taalalada xarumaha hooyada iyo dhalaanka gaarsiiyay deegaano kamid ah Gobolka Sool.

Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Gobalka Sool Cabdiraxmaan Cumar Cade, ayaa qalabkan gaarsiiyay degmooyinka Talex, Xudun, Awrbogays, kulaal, iyo Boocame oo ka wada tirsan Sool, isagoona kula dardaarmay Masuuliyiinta Isbitaalada inay ka faa’iidaystaan dhaqaaleeystaana.

Masuuliyiinta xarumaha talaagadahan la gaarsiiyay ayaa bogaadiyay in ay helaan qalabkaan oo ka caawin doona horay u socodsiinta shaqadooda.