Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Puntland oo ku wajahan Bursaalax

Wafti ka socda Dowladda Puntland ayaa maanta ku wajahan Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan Dadaalo lagu soo dhisayo Golaha Degaanka Degmadaas.

Waftiga oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Musadaq Maxamed Musadaq, ayaa waxaa kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Puntland.

Sidoo kale, Waftigan ayaa ku biiri doona Wafti Wasiiro iyo Xildhibaano ah oo horey ugu sugnaa Gobalka Mudug, uuna horkacayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug oo ay ka wadeen kulamo loogu gogol xaarayo dhismaha Golaha Degaanka Degmada oo dhowaan bilaaban doona.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa khamiistii amray dadajinta dhismaha Golaha Degaanka Degmooyinka Goldogob iyo Bursaalax oo buuq hareeyay, isagoona faray Masuuliyiinta ku shaqada leh inay u jilbo dhigtaan sidii loo dhisi lahaa Golayaashan.