Xasan Sheekh oo la kulmay Safiirka Mareykanka (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” Hassan Sheikh Mohamud ayaa kula kulmay Muqdisho Safirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka oo soo idlaaday goor-dhaweyd ayaa looga hadlay arimaha siyaasadda Soomaaliya, iyagoona si gaar ah diirada u saaray doorashada 2020/2021, waxaana uu kusoo dhamaaday is-afgarad.