Golaha Wasiirada KGS oo ansixiyay Sharci muhiim ah (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha ee Golaha Wasiiradda.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay qodobo Dhowr ah, waxaana Warbixino kala duwana laga dhegeystay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga, Arimaha gudaha, Cadaalada, Haweenka iyo Warfaafinta. Sidoo kale Golaha Wasiirada KGS ayaa ansaxiyey Hindisa sharciyeedka Wasaaradda Kaluumaysiga.