Somaliland: Bam-gacmeed lagu weeraray xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Boorame

Weerar bambaano oo dhaliyay khasaaro kala duwan ayaa xalay lagu qaaday Xarun Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ku leedahay Magaalada Boorame ee Degaanada Maamulkaas.

Weerarkaasi bambaano ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda ee Xarunta ku sugnaa, sidoo kale qeyb kamid ah darbiga kore ee Wasaaradda uu burbur soo gaaray.

Guddoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani Cabdirashiid Cabdi Jaamac, oo ku sugnaa Guri u dhow xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in mar qura ay maqleen jugta bamka, isla markaana ay aad uga naxeen.

Xaalada Magaalada Boorame ayaa saaka degan, Ciidammada Somaliland ayaana wada howlgallo lagu baadi goobayo Dadkii ka dambeeyay weerarkan.