Hot Topics

Waddooyinka Muqdisho oo xiran & Madaxweyne Deni oo booqanaya

Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoona gaadiidka Ciidammada Booliska iyo Milateriga lagu arkayo meelaha qaar, kuwaas oo gaadiidka dadweynaha u diidan inay Isticmaalaan.

Waddooyinka xiran ayaa u badan waddooyinka u dhow xarunta Golaha Aqalka Sare ee BJFS, gaar ahaan laga bilaabo Isgoyska Taalada Daljirka Daahsoon ilaa Isgoyska kale ee Maana Booliyo.

Sidoo kale,  waxaa saaka xiran wadada ka timaada dhanka garoonka  Eng, Yariisow ee soo hormarta xerada gaadiidka booliska, Shacabka ayaana ah kuwo lugeynaya.

Sababta loo xiray Waddooyinka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu booqan doono xarunta Golaha Aqalka Sare ee BJFS, oo uu kulan kula yeelan doono Guddiga joogtada ah ee Golaha oo uu horkacayo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana kulanka diirada lagu saari doonaa marxalada kala-guurka ah ee dalka, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021.