Wafti ka socda Puntland oo gaaray Degmada Bursaalax (Sawirro)

Wafti uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Musadaq Maxamed ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug.

Ujeedka safarka Waftiga uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa ku saabsan wacyi galinta dhismaha Golaha deegaanka Degmada Bursaalax.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Musadaq waxaa safarka ku wehlinayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Qoyska Iyo Haweenka Puntland, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Cadaalada, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Puntland iyo Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa safar shaqo ku gaaray Degmada Bursaalax.