Waftigii Madaxweyne Deni oo kulamo ka wada Muqdisho (Sawirro)

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ku sugan Muqdisho, ayaa galabta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya gaar ahaan Midowga Europe, Sweden, Italy UNSOM iyo diblumaasiyiin kale .

Wafdiga Madaxweynaha ee kulanka ka qeybgalay oo isugu jira Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad iyo Saraakiil Madaxtooyada ayaa diblumaasiyiinta Beesha caalamka ka socday uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland sida Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya, Horumarinta Dhaqalaha, horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta Amniga iyo Aragtida Puntland sida lagu gaari karo Doorasho ka dhacdo Soomaaliya oo loo dhanyahay, oo wakhtigeedi ku dhacdo si looga fogaado khalkhal siyaasadeed.