Wasiir Qowdhan oo kormeeray Dekedda Boosaaso (Sawirro)

Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame(Qawdhan) oo hawlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tegay Xafiisyada Wasaaraddu ku leedahay Dekedda si uu wax uga oggaado habka ay u socoto shaqadda Wasaaradda.

Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka xog dheeraad ah ka siiyay habsami u socodka shaqada Cashuuraha ee ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa booqday goobaha Dekadda ee ay ka degayaan badeecooyinka kala duwan ee ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibta.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Maaliyadda waxaana uu ku bogaadiyay shaqada adag ee ay Bulshada u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay in ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan kor uqaadida dakhliga.

Waxaa xusid mudan in Wasiir kuxigeenka Dakhliga Cabdi Ibraahim Warsame uu shaqooyin adag oo kor loogu qaadayo dakhliga uu ka soo qabtay gobolka Mudug taasi si wayn looga dareemay.

Maalmaha soo socda ayaa la filaaya in Wasiirku uu booqdo goobaha dakhliga ee Boosaaso , kulana la qaato mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda.