Mareykanka oo ammaan u jeediyay Hay’adda baarista DNA-ga ee Puntland (Akhriso)

Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay shaqada Hey’adda Sheybaarka Cilmiyeysan, Foreensig Saynis-ka ee Puntland, waxaana ay sheegtay inay ku guuleysatay ka qeyb-qaadashada wax ka qabashada dambiyadda dhaca, iyadoo baareysa dhecaanada iyo Simbalada dhibanayaasha iyo eedeysanayaasha.

Sidoo kale, War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay taageero buuxda siin doonaan Hay’adan oo muhiim u ah kala saarista dambiyadda ka dhanka ah Aadanaha.

Qoraalka Dowladda Mareykanka ayaa imaanaya maalin kaddib markii Maxkamadda darajada kowaad ee Gobalka Nugaal ay sii deysay 6 Eedeysane oo kamid ahaa ragii loo heystay Kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee AUN Marxuumad Hodan Shanleyste, kaddib markii Sheybaarka Cilmiyeysan, Foreensig, Saynis-ka ee Puntland, uh cadeeyay in aysan qeyb ka aheyn falkaas, kaddib baaris uu ku sameeyay dhecaanada DNA-ga eedeysanayaasha iyo Sambaladii laga soo qaaday Marxuumada oo is waafaqi waayay.