VIDEO: Deni “Afar sanno oo aan ka maqnaa Muqdisho waxba iskama badalin”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in kadib mudda afar sannadood ah oo uu ka maqnaa Magaalada Muqdisho uusan arkin wax hormar ah oo kusoo kordhay.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in dhibaatooyinkii heystay Shacabka caasimadda markii uu ka tagay wali ay wajahayaan loona baahan yahay in la helo isbadel wax ku ool ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu khamiistii khudbad ka jeedinayay Golaha Aqalka Sare ee BJFS.