Wasiir Dhabancad oo la kulmay Safiirka UK (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Amb. Ben Fender.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Puntland horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta Amniga,
saameynta dhaqaale ee Covid-19,  Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya, saameynta Ayuxu u gaystay Beeraha iyo Daaqsinka. iyo Arimaha Horumarineed ee Gobolada Sool, Sanag iyo Cayn.

Sidoo kale, Wasiir Dhabancad ayaa la wadaagay Ambassador Ben Fender Aragtida Puntland ee ku aadan sida lagu gaari karo Doorasho ka dhacdo Soomaaliya oo loo dhanyahay, oo wakhtigeedi ku dhacdo si looga fogaado khalkhal siyaasadeed.

Kulanka Safiirka UK ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiiro iyo Saraakiil Madaxtooyo oo kamid ahaa Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee ku sugan Magaalada Muqdisho.